Shirka Dhuusamareeb oo dib loo dhigayo

Warar hoose oo Warbaahinta Puntlandi.com ay heleen waxay sheegayaan in Shirka Dhuusamareeb uu dib u dhici doono, isla markaasna Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho ku laaban doono.

Beesha Caalamka ayaa tan iyo Shalay galab ilaa maanta waxay Dadaal ugu jireen sidii loo xoojin lahaa Shirka iyagoo Madaxweyne Farmaajo ugu yeeray wadatashi inuu u yimaado Muqdisho ka hor intaan Shirku furmin.

Buuq ugu weyn ee Shirka wuxuu ka taagan yahay Madaxweyne Farmaajo oo meesha lasaaray Xubintii ugu muhiimsaneyd Shirka oo ah Xubinta fulin lahayd Qodobada Shirarkii Dhuusamareeb 1.2 iyo 3, Waana Raysal wasaaraha.

Puntland waxay Aaminsan tahay in uu Madaxweyne Farmaajo ulakac u magacaabi waayay Raysal wasaaraha, tasoo fursad u siineysa inuu isugu qabto shaqadii Raysal wasaaraha, waana tan dib u dhigtay Shirka.

“Sida hada muuqata ilaa Raysal wasaare lasoo magacaabo ayna Beesha Caalamku miiska soo fariisiyo, Shirku furmi mayo “. Waxaa sidaas Puntlandi.com u sheegey Sargaal ka tirsan Dowlada Puntland

<