Madaxweyne Farmaajo wuxuu qorsheeyey inuu isagu qaato shaqadii Raysal wasaaraha ee Shirka dhuusamareeb

Shirka Dhuusamareeb oo wajigiisii Sadexaad gali lahaa ayaa waxaa ku yimid hakad kadib markii ay Dowlada Puntland ay banaanka soo dhigeen Ajandaha Qaraoon ee Madaxweyne Farmaajo.

Sidii horay loogu heshiiyey Raysal wasaaraha ayay ahayd inuu fuliyo Ama uu qaado Waxyaabaha lagu heshiiyo iyo Wadad loo jeexo in loo maro Doorashada, taasoo macneheedu yahay in Raysal wasaaruhu uu soo diyaariyo Doorashada isagoo raacaya Qodobada laga soo saaro Shirka Dhuusamareeb 3.

Madaxweyne Farmaajo wuu ogaa Qorshahaas wuxuuna meesha kasaarey Raysal Wasaarihii isagoo soo magacaabey Raysal wasaare kumeel Gaar ah,oo isaga jeebka ugu jira., wuxuuna ka warwareegayaa inuubsoo magacaabo Raysal wasaare rasmi ah.

Arinkaas Waxaa is hortaagey Puntland oo sheegtay in loo baahan yahay in la fuliyo laba arimood intaan loogudagalin Dhuusamareeb 3, si looga hortago in Madaxweyne Farmaajo uu maamusha Doorashada iyo Heshiisyada lawada gaaro.
Puntland waxay soo jeediyeen In lamagacaabo Raysal wasaare iyo In Beesha Caalamku goob joog ka ahaadaan Gunaanadka Shirka si loo hubiyo Waxyaabaha lagu heshiiyo fulintooda, taasna waxay meesha kasaaraysaa hanqaltaaga ay Xildhibaanadu usoo hanqaltaagayaan Shirka.

Puntland waxay kaloo ka horyimaadeen hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ku yiri Baarlamaanka oo ahaa , In uu Qodobada kasoo baxa Shirka Dhuusamareeb uu horkeenayo Baarlamaanka

Hadalkaan wuxuu qayb ka yahay Qorshaha Madaxweyne Farmaajo uu ku doonayo inuu ku warwareejiyo Maamul Goboleedyada iyo heshiiskooda Dhuusamareeb , Si walhtiga loo dilo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh ayaa ka digay Madaxweyne Farmaajo ka hor intuusan bilaaban Shirka Dhuusamareeb , wuxuuna Madaxweyne Farmaajo ku tilmaamey hadal u dhow Qof aan balan lala gali Karin inuu yahay,.

Hoos ka akhriso Qoraalkii ay Xalay soo saartay Dowlada Puntland

.

<