Khasaaraha rasmiga ah ee Weerarkii Elit Hotel

Mudo ku dhow 6 saacadood ayuu socdey weerar ay Al-Shabaab ku qabsadeen Hotel Elit ee ku yaala Xeebta Magaalada Muqdisho, Inkastoo aakhirkii ay nafbaxeen Shantii Maleeshiyo ee Hotelka soo weeraray.

Ciidamada Amaanku waxay Xalay Fiidkii cadeeyeen in Hotelka ay gacanta ku hayeen ayna soo ajareen weerarkii..

7 Qof ayaa la xaqiijiyey iney ku geeriyoodeen, waxaa iyana la dilay 5 tii Maleeshiyo ee weerarka fuliyey tasoo tirada dhimashada ka dhigayaa 12 Qof, Dhaawucu wuxuu gaarayaa 22 Qof.

Ilaa hada macada qaabka ay Hotelka usoo galeen Argagixisada, Waayo Amaanka Hotelku aad ayuu u adkaa, balse baaris ayaa socota.

Puntlandi.com Muqdisho

<