Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadey Saldhig Ciidan oo ku yaal Bariga Baydhabo

Saldhig ay Ciidamada Koonfur Galbeed ku leeyihiin Goofgaduud oo 34 km u jirta ayaa Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saaka oo Isniin ah.

Wararka laga helayo Deegaanka ayaa waxay sheegayaan in Laba jiro ay kasoo galeen Saldhiga kadibna weerar Xabad iyo Qarax ah ayay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada.

Ilaa hada ma jirto cid xaqiijin karta Khasaaraha iyo xaalku sida uu yahay, aan ka ahayn in wali ay hada xabado socoto.

Puntlandi.com Baydhabo

<