Xog— Farmaajo iyo Laftagareen oo kukala kacay shir Xalay dhexmaray

Xalay waxaa kulan gaara ku yeeshay Magaalada Dhuusamareeb Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi iyo Mdaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen, kulankaasoo ay soo qabanqaabiyeen Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Warar rasmi ah oo Howlwadeenada Puntlandi.con ay heleen ayaa sheegaya in Xafiiska Madaxweyne Farmaajo ay Dadaal ugu jiraan inay shukaansadaan Sadexda Mdaxweyne Qoorqoor, Lafta iyo Waare ee iminka Ku sugan Dhuusamareeb intaysan Deni iyo Axmed Madoobe aysan Soo gaarin Magaalada.

Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Laftagareen ayaa Madaxweyne Laftagareen wuxuu ku adkeystay Doorasho dadban oo ku salaysan 4.5 , Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku guul daraystay inuu Laftagareen ka dhaadhiciyo Foorasho Qof iyo Cod ah, Laakiin kulankaas iyadoon wax natiijo ah kasoo bixin ayaa lagu kala tagay, waxaa sidaas Puntlandi.com u xaqiijiyey ilo wargal ah.

Waxaa jira isla Xalay kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Qoorqoor, kulankaas waxa kasoo baxay ilaa hada cid heysa ma jirto inta aan ka warqabno.

Madaxweyne Deni maanta ayaa lasugayaa inuu soo gaaro Dhuusamareeb .

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<