Faahfaahin Shirka Dhuusamareeb, Madaxweyne Deni oo kusoo Wajahan iyo Qorshaha Farmaajo

Magaalada Dhuusamareeb Waxaa galabta ama beri subax ka furmaya Wajigii sadexaad ee Shirka Dhuusamareeb, kasoo Buldhada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamku ay Indhayare ku hayaan.

Madaxwryne Saciid Cabdullaahi Deni Waxaa lasugayaa Maanta, Sidoo kale Madaxweynaha Jubbaland ayaa isna lasugayaa Maanta.

Walaac xoogan oo aan qarsooneyn ayaa jira oo ka imanaya dhinac Madaxweyne Farmaajo oo shalay sii afrettet, Khudbadiisii uu u jeediyey Golaha Shacabka waxay ahayd mid gabi ahaanba ku saabsan hadalo ku lid ahaa Shirka Dhuusamareeb.

Warar rasmi ah ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo joogitaankiisa Dhuusamareeb uusan wax macno ah samaynay waayo mowqifkiisa Shalay oo Sabti ahayd ayuu sii sheegey, wuxuuna cadeeyey inuu khashkhashaadi doono Shirka Dhuusamareeb.

Go’aamada kasoo Baxa Shirka Dhuusamareeb uma baahna in Baarlamaan wakhtigiisu dhamaadvyahay ay Ansixiyaan, Waa go’aanka kama dambeysta ah oo loo qaadayo wada Doorashada.

Xaqiiqda kale ee jirtaa Waxaa weeye, Xildhibaanada Federaalka 80% waxay Farmaajo kala Siman yihiin in Mustafa la kororsado iyo in Shirka Dhuusamareeb la burburiyo.

Arinta ugu weyn Waxaa weeye, Madaxda Dowladaha xubnaha ka Sh Federaalka qaab noocee ah ayay uma macaamilo doonaan Madaxweyne Farmasjo oo ay ogyihiin mowqifkiisa Shirka.

puntlandi.com Dhuusamareeb

<