Daawo Hees : Gudoomiyaha Aqalka Sare oo maanta M/weyne Farmaajo u dhigay Cashar Dastuuri ah , una qaaday heestii ” Darjo xil yaa mudan, oo Dadka hor iman kara “

Gudoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta furay kalfadhigii 2aad Ee Aqalka Sare Federaalka Somaaliyeed ayaa Cashar Dastuuri ah maanta u dhigay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu ku tilmaamay Shakhsi ilowshiiyo dhow oo hilmaamay Dastuurkii iyo Shuruucdii Dalka ee isaga lagu soo doortay.

Mudane Cabdi Xaashi ayaa gabagabadii hadalkiisa ku soo khatimay oo Golaha ka dhex qaaday Heestii caanka aheyd ee ” Darjo Xil yaa mudan oo Bulsho hor iman kara”.

Shabakada Puntlandi waxay Gudoomiye Cabdi Xaashi halkan uga ciyaaarayaan Heestii oo dhan

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<