Tacsi : – Allaah ha u naxariistee Marxuum Korneyl Cabdi Abshir Aaden oo maanta ku geeriyooday Copenhagen- Danmark

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Waxaa Allaah ha u naxarisiistee maanta oo ah Sabti 15.08.2020 ku geeriyooday magaalada Copenhagen ee Dalka Danmark Korneyl Cabdi Abshir Aaden.

Allaah ha u naxariistee Marxuum Cabdi Abshir ayaa ahaa shakhsi Muumin ah, Cibaado badan , Afgaaban, isla markaana wax tar iyo waayeelnimo-ba loogu yimaado.

Marxuumka oo mudo dheer ku noolaa Dalka Danmark ayaa laf dhabar u ahaa Guud ahaan Bulshada Somaaliyeed ee ku dhaqan Danmark iyo gaar ahaanba mida Jaaliyada Puntland ee Danmark.

Dhamaan Xubnaha Jaaliyada Somaaliyeed ee Danmark iyo mida Reer Puntlanba waxay iyagoo ka tiiraaneysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid Korneyl Cabdi Abshir Aaden ay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan marwadiimarxuumka Eedo Mulaaxo Xaraare, dhamaan Qoyska Reer Cabdi Abshir, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay marxuumku, waxaana Eebbe uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

Sidoo kale Maamulka iyo Hawlwadeenada Shabakada Madaxabanaan ee Puntlandi waxay Tacsi gaar ah u dirayaan Gudoomiyihii hore ee Jaaliyada Puntland ee Danmark Marwo Xaawo Cabdi Abshir geeridaa ku timid Aabo Cabdi Abshir.

<