Madaxweyne Farmaajo lahadalkiisa Baarlamaanka ee Maanta oo dhagaha loo taagayo

Waxaa aad loo wada sugayaa Khudbada uu Madaxweyne Farmaajo uu ka jeedin doono Baarlamaanka maanta oo sabti ah, inkastoo Ajandaha Maanta uu ahaa in Madaxweynuhu uu tago Dhuusamareeb .

Shirkii Dhuusamareeb waxaa lagasoo warinayaa inuu dib u dhacay laba maalmood, Hadana Madaxweyne Farmaajo wuxuu dalbadey inuu la hadlo Xildhibaanada Baarlamaanka.

Shaki kuma jiro in Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanku ay kacaga jiidayaan in Shirka Dhuusamareeb uu guulaysto, waxayna wali u hanqal taagayaan wakhti kororsi laakiin Hadalkii u dambeeyey ee kasoo yeeray Maraykanku wuxuu waxwayn ka badalay Hamigaas Madaxweynuhu uu qabo

Dadka aadka ugu dhuun daloola Siyaasada waxay odorosayaan in Madaxweynuhu uu laba mid sameyn doono, Labadasoo kala ah..

1- Inuu u hogaansamay Hadaladii Beesha Caalamka oo uu maanta Baarlamaanku u sheegi doono in la ixtiraamo Go’aamadii Dhuusamareeb

2- Inuu Madaxweynuhu kusi socon doono Wadadii ku socdey laakiin uu jeedin doono khudbad Siyaasadeysan oo uu isleeyahay ku qanci dhinacwalba, Khudbadiisa hadii uu ku soo Ergayga ah “ Doorasho ku salaysan Dastuurka “ waxaa cad in Madaxweynuhu uusan wali ka waantoobin Fikirkiisii ahaa ku darsasho.

Goor dhow ayuu hortagayaa Madaxweynuhu Baarlamaanka Wuxuuna jeedinayaa Khudbad ay Dad badan ku tilmaameen khudbadiisii u dambeysay ee uu u jeediyo Xildhibaanada.

Puntlandi.com Muqdisho

<