Breaking News—Madaxweyne Farmaajo oo sii sheegay inaan waxba kasoo baxayn Shirka Dhuusamareeb isla markaasna Baarlamaanku leeyahay Awooda Dalka

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta la hadlay Xildhibaanbaanada Baarlamaanka ayaa cadeeyey inuu wali ku adkeysanayo Mowqifkiisii ahaa Doorasho ku salaysan Dastuurka, tasoo macneheedu tahay Doorasho One man One Vote ah.

Madaxweynuhu wuxuu yiri “ Goaankaygu mar walba wuxuu ku salaysan yahay Rabitaanka Shacabka iyo Dastuurka”

wuxuu kaloo yiri isagoo la hadlaya Xildhibaanada “ Mudanayaal idinkaa matala shacabka , Idinkaa matala Maamul Goboleedyada sidaas awgeed idinkaa iska leh Go’aanka kama dambaysta ah.

HadaladaMadaxweynaha oo cadaa waxay muujinaysaa in Madaxweyne Farmaajo uu wali halkiisii taagan yahay.

Khudbada Madaxweynaha waxay ahayd mid ku salaysan in Madaxweynuhu uu wali doonayo Doorasho ka duwan tii lagu heshiiyey Dhuusamareeb, Khudbadubwaxay kaloo dhambaal u diraysay Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo uu ku yiri Go’aanka idinku malihidin ee Baarlamaankaa leh.

Khudbada Madaxweynaha nuxurkeedu wuxuu ahaa oo Madaxweynuhu sii sheegay in aysan waxba kasoo baxayn Shirka Dhuusamareeb , isagoo Baarlamaanka ugusoo celceliyey “Awooda idinkaa leh”

Puntlandi.com Muqdisho

<