Breaking News— Shirkii Dhusamareb oo dib u dhacay

Warar rasmi ah oo iminka nasoo gaaray ayaa sheegay in Shirkii Dhusamareb ee lagu balansanaa Sabtida 15 Ogoosto uu dib udhac ku yimid, dib u dhacasoo aan la shaacin wixii u sabab ahaa.

Wararka ay Warbaahinta Puntlandi.com ay helayaan ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee Shirka dib u dhigtay ay tahay Shaqooyinkii loo Xilsaaray Gudiyada Farsamada oo aan qabsoomin, Waxaana Shaqadaas ineysan qabsoomin lagu eedeynayaa Xafiiska Madaxweyne Farmaajo.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxtooyada ay kala qaybisay Gudiyada Loo xilsaarey Arimaha Shirka.

Warar hore oo Warbaahintu baahiyeen ayaa sheegayay in Madaxweyne Farmaajo uu ka shaqaynayo burburinta Shirka Dhusamareb .

Dareenkaas Waxaa iyana Dareemay Maraykanka oo shalay soo saaray Digniin cad oo ku socota Madaxwryne Farmaajo iyo Gudoomiye Mursal, Waxaana si cad loogu Amray Masuuliyiintaan inay iska ilaawaan Wakhti dheeraysi ayna u dhaga nuglaadaan Shirka Dhusamareb .

Puntlandi.com Dhusamareb

<