Shirar lagu manjixaabinayo Shirka Dhusamareb oo Muqdisho ka socda

Shalay ilaa maanta Waxaa Muqdisho ka socda shirar lagu marin habaabinayo Shirkii Dhusamareb kasoo ay wado Villa Soomaaliya.

Gudigii uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay shirka Dhusamareb ayaa waxay doonayaan in shirka loosoo warerjiyo Muqdisho si ay iyagu uhogaamiyaan Waxaana arintaas horay uga digay Puntland.

Saaka Waxaa Markale bilowdey kulan u dhexeeya Gudiyada uu Magacaabay Madaxweyne Farmaajo iyo qaar kamida Golaha Wasiirada la Casilay ee Dowlada Federaalka, waxayna ku mashquulsan yihiin inay soo saaraan Qodobo ku lid ah shirka Dhusamareb, iyo in la shaaciyo in din loo dhigay shirkii 15 Bishaan,

“Waxaa hubaal ah in Madaxweyne Farmaajo uu Gerd Dheere iyo mid gaaban u fuulayo inuu burburiyo Shirka Dhusamareb, Kulamada Xamar ka socdana waxay ka turjumayaan in La burburiyo wixii horay loogusoo heshiiyey Magaalada Dhusamareeb” Waxaa sidaas yiri Senetor ka tirsan Aqalka Sare

Puntlandi.com Muqdisho

<