Maraykanka oo sheegay inay indhaha ku hayaan Shirka Dhuusamareeb , Kana digay..

Waving flag of Somalia and USA

Qoraal ay Safaarada Maraykanku ku leeyihiin Soomaaliya ay soo dhigeen Bartiisa Twitterka ayay ku sheegeen in ay sugayaan Natiijada Shirka Dhuusamareeb.

Qoraalkaan ayaa yimid kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay soo bateen Kulamo Muqdisho ka socda oo lagu majaxaabinayo Shirka Dhuusamareeb, kasoo ay ka dambeeyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Shaqsiyaad kale.

Qoraalka Safaarada Maraykanka ayaa kaloo lagu sheegay in Wakhtiga Doorashada Soomaaliya ay wakhtigeeda ku dhacdo isla markaasna laga waantoobo hamiga mudo kororsiga.

Qoraalka oo si toosa ugu socda Madaxweyne Farmaajo ayaa wuxuu noqonayaa dhaarbaaxo Siyaasadeed iyo Digniin toosa oo cad.

Qoraalka wuxuu kaloo jawaab cad u yahay hadalo kasoo yeeray qaar kamid ah Wasiirada la casilay oo dhowr jeer Saxaafadaha ka sheegay in Beesha Caalamku ay faragalin ku hayaan Siyaasada Soomaaliya.

Puntlandi,com Muqdisho

<