Madaxweyne Deni oo Madaxweyne Geele ka dalbadey in Muqdisho ka badbaadiyo Dagaal sokeeye

Warar hoose oo aan ka henay Safarka Madaxweyne Deni uu ku joogi Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu u ergo tahay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.

Waxaa jira cabsi laga qabo in Madaxweyne Farmaajo uu isku dhajiyo kursiga tasoo Sida muuqata keeneysa in Dalka uu galo Xaafada adag,Qalalaasaha Siyaasadeed ka sokow, Waxaa sivweyn looga Cabsi qabas in Caasimada Dalka ay ka dhacaan Dagaalo hubeysan, Waana sababta uu Madaxweyne Deni uga codsadey Dhigiisa Jabuuti inuu si deg deg ah usoo faragaliyo Oo uu ka qayb qaati in loo Caqli celiyo Madaxda Xilku kasii dhanaanayo.

Wararka ay Warbashinta Puntlandi helsyaan waxay sheegayaan in Madaxweyne Deni oo ka walwalsan Talaabada uu damacsan yahay Nadaxweyne Farmaajo iyo guuxa Siyaasiyiinta Mucaaradka ay Dalka ku celineyso Wadadii 1991-sii lasoo maray, Sidaas awgeed wuxuu Madaxweyne Geele ka codsadey inuu fadhiga ka koco oo uu soo faragaliyo.

Wararka kale ee aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Geele uu aad usoo dhaweeyey Ergada Garowe uuna balan qaadey inuu si deg deg ah u soo faragalinta doono xaalada Villa Soomaaliya isagoo kaashanaya Beesha Caalamku .

Puntlandi.com Jabuuti

<