Daawo Madaxweyne Deni oo si heer Sare ah loogu soo dhaweeyey Jabuuti iyo ujeedka safarkiisa

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafti uu hogaminayo ayaa maanta gaaray Dalka Kabuuti halkasoo si wanaagsan loogusoo dhaweeyey.

Sida aan xogta ku hayno safarka Madaxweyne Deni Wuxuu ku saabsan yahay laba Sadex arimood oo kala ah….

Madaxweynuhu wuxuu la kulmi doonaa Ganacsato Reer jabuuti ah oo doonaya Iney Maalgashadaan Puntland, wuxuu kaloo la kulmayaa Xukuumada Jabuuti oo iyana kawada hadii doonaan Xiriirka Labada dhinac iyo Jabuuti oo dooneysa Iney Maalgashadaan Puntland.

Ujeedka Labada ee Safarka Madaxweynuhu wuxuu ku saabsan yahay Siyaasada Soomaaliya oo ay kawada hadlayaan Madaxweynaha Kabuuti Ismaciil Cumar Geele, Labada Masuul waxay kawada tashanayaan Doorashada Soomaaliys.

Ujeedka Sadexaad, Madaxweyne Deni wuxuu la kulmayaa masuuliyiin ka socda Dalka Maraykanka oo u badan Wasaarada Gaashaandhiga Maraykanka waxayna kawada hadlayaan ladagaalanka Argagixisada iyo Xoojinta kaalmada. Malatari ee Maraykanka Soomaaliya siiyo, Waxaa jira warar sheegaya in Maraykanku uu doonayo inuu Duleedka Bosaso ka sameysto Xarun Ciidan oo lagu tababato Ciidamada loona Adeegsado Howlgalada Bariga Afrika ee Maraykanku uu ka wado Bariga Afrika.

Madaxweyne Deni wuxuu Jabuuti joogi doonaa Sadex maalmood.

Puntlandi.com Jabuuti

<