Waaxda Canshuuraha Bosaso oo dardargalin bilowday

“Canshuur bixiyaashu ay haday Canshuurta baxshaan waxaa muhiim ah in masuuliyiinta u xilsaaran Adeega Bulshada ay Canshuurta u maareeyaan si sax ah oo aan Musuqmaasuq lahayn, Waa hubaal in Shacabka Puntland ay diyaar u yihiin in ay bixiyaan Canshuurta laakiin waa in Dhacabka la tusaa in Canshuurtaas ay iyaga dib ugusoo laabanayaan oo loogu adeegayo Bulshada,“ Waxaa sidaas yiri Axmed Faarax oo dhaqalayahan ah .

Masuuliyiinta Canshuuraha Gobolka Bari ayaa bilaabay kurmeer Guud oo lagu sameynayo qaabka loo ururiyo Canshuuraha si loo dardar galiyo Canshuur bixinta.

Gaadiidleyda waxay bixiyaan Canshuur kala duwan , Qorshaha Xuluumadana waa in Gaari walbaa uu si toosa u bixiyaa Canshuurta, Masuuliyiinta Waaxda Canshuurta ayaa sida aad Sawirada ku aragtaan waxay kantaroolayaan Waraaqaha Canshuuraha ee Gaadiidleyda la siiyo.

Magaalooyinka kale sida Garowe, Gaalkacyo iyo Buuhoodle ayaa u baahan inay ku daydaan Bosaso

<