Faahfaahin—Gaalkacyo Howlgal Ciidan oo uu ku geeriyooday Taliyihii Illaalada Madaxtooyada

Illaahay ha u naxariistee  G/sare Cismaan Cumar Maxamed Taliyihii Ciidamada illaalada Madaxtooyada Puntland ayaa Saalax ku geetiyooday howlgal ay ciidamadu ku qaadeen Kooxo ka ganacsada Khamriga oo saldhig ku lahaa Warshada kabida ee bartanaha Magaalada Gaalkacyo.

Howlgalka oo Mudo saacadovah socdey ayaa aalhirkii lagu guulaystey in lasoo afjaro.

Howlgalka oo ahaa mid qorshaysan oo lasoo abaabulay, Taliyiha geetiyoodey Waxaa ku dhacay xabad mel Fog lagusoo riday, Suxuuna u geeriyoodey dhaawac.

Khasaaraha guud ayaa ilaa hada maraya 4 Qof oo dhintay iyo 7 Dhawac ah, Sida lagusoo xigtay Ciidamada Amaanka.

Shacabka Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyey howlgalkaan, Mudooyinkii dambe Waxaa sii kordhayay dhibaatooyin ay Shacabka ku hayaan kooxaha ka ganacsada Maandooriyaha oo Gaalkacyo kusoo badanayay.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<