Fashfaahin- Muqdisho, Xero Ciidan oo lagu weeraray Gaari Qarax ka buuxo

Xerada Ciidanka Dowlada Federaalku ay ku leeyihiin agagaarka Garoonka Coyaaraha Muqdisho ayaa maanta lagu qaadey Weerar ismiidaamin ah oo loo adeegsadey Gaari waxyaabaha Qarxaa ay ka buuxaan.

Xerada oo lagu magacasbo 12 April waxay saldhig u tahay Ciidamada Malatariga Dowlada, Ilaa hada Waxaa lagusoo waramayaa in Sadex Askari ay dhinteen dhaawacana Waxaa lagu qoyaasataa 7 Askari, Waa soda ay xogta ku hayaan Howlwadeenada Puntlandi.com ee Muqdisho.

Dad ka agdhow xerada la weeraray waxay sheegayaan in Qaraxa ka bacdi la maqlayay dhawaaqa Xabadaha ka dhaca Qoryaha fudud.

ilaa hada lama sheegin Dad rayida oo wax gaareen, wixiise kasoo Korsgaard weerarka kala soco Puntlandi.com

<