Daawo Sheekh Cusmaan Usuuli : – ” Doorasho hal qof iyo hal cod, Balan ka bax iyo Shacbiga oo Been lagu hogaamiyo waa Munaafaqnimo.

Daaciga Somaaliyeed ee Sheekh Cusmaan Usuuli ee fadhigiisu yahay magaalada London oo xalay ka qeyb galay Dood toos aheyd oo uu qabtay Telefishinka Universal ayaa Dawlada Farmaajo ku tilmaamay mid aan fulin balamahii faraha badanaa ee ay hore u qaaday.

Sheekha ayaa ku eedeyey Xukuumada Farmaajo in ay dhaawacday horumarkii kaliya ee laga dhaxlay Xukumadihii hore ee ahaa in si nabadgalyo ah 4-tii sano mar xukunka loogu tartamo kadibna si nabadgalyo ah laysgu wareejiyo.

Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in ay tahay waxba kama jiraan iyo been in xukuumada maanta joogtaa ay ku doodo in ay qabaneyso markii wakhtigii ka dhamaaday Doorasho hal qof iyo hal cod, taas oo aanay 4 sano ka hor u diyaar garoobin.

<