Breaking News— Xiisad ka dhex taagan Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulmaya

Maanta Waxaa kulan yeelanaya Baarlamaanka walhtigiisu dhamaadka yahay, kulankaasoo laga cabsi qabo inuu isu badalo buuq iyo sawaxan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa lagusoo waramayaa inuu hoosta kuwato Ajande ka duwan kan loo sheegay Xildhibaanada.

Waxaa jira Xildhibaano Xalay isasoo abaabulay kuwasoo doonaya inay ka hortagaan hadii Gudoomiyaha Baarlamaanka uu isku dayo inuu soo bandhogo ajandaha laga dhakisan yahay oo ah Mudo kordhin.

“Gudoomiye Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo waxay abaabulayaan Mudo kordhin loo sameeyo Labada Gole ee Dowlada, waana tan maanta uu damacsan yahay Gudoomiyaha Baarlamaanku inuu qaabkii loo riday Raysal Wasaare Khayre qaab u dhow uu maanta dhaco kasoo lagu foonayo in loo codeeyo in laba sano loogu daro Baarlamaanka.” Waxaa sidaas yiri Sanetor ka tirsan Aqalka Sare.

Gudoomiyaha Baarlamaanku wuxuu maanta isugu yeeray Xildhibaanada xili la sugayay in Madaxweyne Farmaajo uu soo magacaabo Raysal wasaaraha cusub.

Puntlandi.com Muqdisho

<