Xil-dhibaanno ka tirsan BFS oo walaac ka muujiyay muddo kororsi la doonay in lagu dhawaaqo fadhiga ugu horeeya ee golaha shacabk.

Xubno ka tirsan Xil-DHibaanada Golaha SHacabka  Soomaaliyeed  oo oo inal soo xiriiray ayaa inoo xaqiijiyay in baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Villa Somalia ay qorsheeyeen, in dib loo dhigo doorashada Soomaaliya laguna dhawaaqo ka hor magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee soo socda.


Wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Max’ed Cabdullahi Farmajo, guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sh. Cabdi-Raxmaan iyo ku xigeenkiisa ay isku afgarteen in aan la magacaabin ra’iisul wasaare cusub ilaa ay sameeyeen muddo korarsi, seddexdan nin ayaa isku raacay in ra’iisul wasaaraha cusub ay dhici karto inuu diido muddo korarsi  islamarkaana ay adkaanayso ama aysan suuro gal noqnayn in si dhib yar loo rido ra’iisul wasaarihii taasina ay fashil ku keeneyso  Farmaajo iyo dhammaan qorshayaasha dowladda.

Muudey,Khadiijo Diiriye iyo Kooxda mudo kordhinta


Xil-dhibaannadan oo Dahabo la xiriira ammaankooda aan oggolaan in magacyadooda aan la isticmaalin, isla markaasna ahaa kuwo ka soo kala jeeday deegaano kala duwan ayaa ku eedeeyay seddexdaas mas’uul inay qorshayniyaan arrimo horseedi kara inuu dalku ku dhaco khatar aad u weyn oo huriya collaado dalka oo dhan saameeya, waxayna hadda gacanta ku hayaan qorshe egdeg ah iyadoo dowladda Qatar ay bixinayso lacago iyo kharashkii lagu laaluushi lahaa si fadhiyada ugu horeeya ay ugu dhawaaqi lahaayeen muddo labo sano loogu kordhiyay muddada ay dowladda xilka haynayso si ay dalka u gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka qabsoonta. 


Xubnahan Xil-dhibaannada ah ayaa ugu baaqay dowlad-goboleedyada iyo  dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah inay ka digtoonaadaan shirqoolkan oo ujeeddadiisa u weyn ay tahay in la fashiliyo go’aannadii iyo heshiisyadii lagu gaaray DHuusomareeb I, II, isla markaasna khilaaf hor leh laga dhex abuuro dowladb-goboleedyada xilli sida muuqata uu shirkii Dhuusomareeb noqday bilowga is faham iyo wada shaqayn dhex marta dowlad-goboleedyada loona baahanyahay in la sii hormariyo is-fahamkaas iyo wada-shaqayntaas.

Puntlandi

Garowe

<