TACSI :- Allaah ha u naxariistee Halgamaa Xaaji Maxamed X.Jamac Qareey oo shalay ku geeriyooday Nairobi

Alle naxariistii Janno ha siiyo Marxuum Xaaji Max’ed Xaaji Jaamac (Qareey) ayaa xalay 1:00 habeenimo ku geeriyooday magaallada Nairobi ee dalka Kenya, Marxuumka wuxuu ku jiray sano 87, wuxuuna ku dhashay magaallada Kismaayo xarunta gobolka Jubbada Hoose1933kii. Xaaji Max’ed wuxuu ka mid ahaa raggii hoggaaminayay halgankii ay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Woqooyi-Bari ee Kenya ay ku baadi goobayeen sidii gobolka loo raacin lahaa ama uu uga mid noqon lahaa Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac, oo yaraan ku soo galay Mandheere, ayaa waxuu ka mid ahaa dhallin-yarradii ku barbaartay waxna ku baratay gobolka Wajir ee Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Kenya, wuxuuna ilaa yaraantiisii qabay fikrad ah sidii ay maali maalmaha ka mid ah lixda gobo lee Soomaaliyeed ee ka tirsan dalka Kenya uga mid noqon lahaayeen dal-weynaha xorta ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed.


Sanadihii kontomeeyadii iyo lixdameeyadii Xaaji Maxamed wuxuu la hana qaaday halggammadii gobonimo doonka ahaa ee ka socday qaaradda Afrika, waxayna bilaabeen isaga iyo koox dhallin-yaro ah oo dhammaantood ka soo jeeday 6da gobol ee Soomaalida inay wadiiqooyin xagga khadadka diplomat-siyadda ah ku raadiyaan sidii ay guumeystihii Ingiriiska uga dhaadhicin lahaayeen in gobollada Soomaaliyeed la raaciyo dalka Soomaaliya, hasa yeeshee arrintaas mar kasta waxay ku soo dhammaanaysay natiijo la’aan. Hasa yeeshee Xaaji Max’ed Xaaji Jaamac iyo dhallin yaradii uu ka midka ahaa waxay sanadkii 1960kii markay Soomaaliya gobonimmada qaadatay ku dhawaaqeen dhismaha xisbi la yiraahdo Northern Province People Progressive Party (NPPPP) kaasoo ahaa xisbi siyaasadeed oo ku talo galkiisa ahaa inuu horseedo siyaasad iyo halgan ay dadka Soomaaliyeed eek u nool 6da gobol ee Soomaalieed; Gaarissa, Wajir, Isiolo, Mandheera, Marsebet, iyo Mooyaale ay uga mid noqon lahaayeen Jamhuuriyadda curatay ee Soomaaliya.
Alle ha u naxariistee Marxuumka oo isagu ahaa guddoomiyaha xizbiga ee Mandheera ayaa isla markaasna ahaa xiriiriyaha isku xira dhammaan dhaqdhaqaaqyada xisbiga ee lixda gobol wuxuu ku guuleystay inuu dadka ku soo xiro xizbiga NPPPP oo waliba ay taageeraan siyaasadda xizbbiga ee ku aaddan inay ka mid noqdaan Jamhuuriyadda Soomaaliya. DHaqdhaqaaqii iyo halgankii xizbiga NPPPP waxy dacwadooda gaartay Qarammada Midoobay.

Markay taariikhdu ahayd 1962kii, waa labo sano ka dib aasaaskii xisbiga NPPPP waxay Qarammada Midoobay oggolaatay dalab ugu yimid xizbiga oo ahaa in afti (Referendum) laga qaado dadka Soomaaliyeed eek u nool lixdaas gobol si loo dooransiiyo dalka ay rabaan inay ku biirayaan waxayna natiijadii noqotay in 87.5% ay u codeeyeen inay ka mid noqdaan Jamhuuriyadda Soomaaliya, hasa yeeshee waxaa arrintaas iyo rabitaankii shacabka is hor taagay guumeysigii Ingiriiska oo si adag uga hor yimid.
December 11, 1963kii, waa maalin keliya ka hor maalinta ay Kenya qaadatay gobonimmada, waxaa la xiray Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac iyo dhammaan qof kasta oo hana-qaad ahaa oo walaalihiis iyo qaraabadiisa ka mid ahaa, iyadoo lagu eedaynayo inay horseed ka yihiin kacdoon siyaasadeed oo aan sharci ahayn. Marxuumka ayaa wuxuu xirnaa muddo lix sano ah, waxaana la soo daayay October 15, 1969.

Soo daynta marxuumka ayaa waxay ka dambaysay heshiis ay dhexdhexaadinaysay dowladda Tanzania oo magaallada Arusha ka dhacay October 30, 1967, kaasoo dhinaca Soomaaliya uu uga qayb galay una saxiixay ra’iisal wazaarihii xilligaas marxuum Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal, waxaana qodobbada lagu heshiiyay ka mid ahaa in dowladda Kenya sii dayso dhammaan Soomaalida ku xiran xabsiyadeed ee loo haysto halganka la xirira gobolka Soomaaliyeed ee Kenya haysato.

Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac ayaa markuu xabsiga ka soo baxay dib ugu soo laabtay Mandheera, halkaas oo uu ka bilaabay ganacsi aad u ballaaran oo isku xira Kenya, Soomaaliya iyo Itoobiya.
Marxuum Maxamed Xaaji Jaamac wuxuu Alle ha u naxariistee, wuxuu kaalin aad muhiim u ah ka soo qaatay halgankii ay jabhaddii SSDF ee bilowday 1978kii ee dadka Soomaaliyeed kula dagaalayeen maamulkii keligii taliska ahaa ee ciidammada hoggaanka ka ahaayeen.

Xaaji Maxamed Xaji Jaamac ayaa sida la sheegay kaga qayb qaatay halgankii jabhaddas malaayiin dollar, wuxuuna la dhameystay oo uu maal gelintaas waday ilaa ay jabhaddii burburtay oo madaxdeedii la xirxiray, waxaana ka soo gaaray burbur dhaqaale oo uusan ka soo kaban.
Markii dalki burburay sanadii 1991kii, Marxuumku wuxuu ka mid ahaa dadkii u ololeeyay sidii loo soo dhoweyn lahaa dadka soo qaxay oo meel loo dejin lahaa, wuxuuna dadaal dheer u galay sidii heshiisa nabadeed loo dhex dhallin lahaa dadka Soomaaliyeed.

Waxaana xusid mudan in marar badan uu gurigiisa Nairobi ku marti qaaday oo isugu keenay dad badan oo uu rumaysnaa inay gacan ka geysan karaan dib-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed oo isugu jira siyaasiyiin, odayaal dhaqan, culumaa’u diin, iyo ganacsato, illaa iyo maanta oo uu geeriyoodayna marxuumka wuxuu dadaal ugu jiray nabadaynta iyo siday dadka Soomaaliyeed dib ugu hanan lahaayeen qaranimmadoodii…Alle Alle naxariistiisii janno ha siiyo Xaaji Maxamed Xaaji Jaamac Qareey.

Qore : Ahmed-yasiin Mohamed A.Sooyaan

About Kassim 559 Articles
Wariye Madaxbanaan balse hada la shaqaynaya Puntlandi.com ilaa 01.01,2022
<