Gudoomiye Mursal oo mar kale lagu eedeeyey inuu ka Been sheegay Sharci cusub

Qaar kamida Senetarada Aqalka svare ayaa eedeyn dusha uga tuuray Gudoomiyahs Golaha Shacabka Maxamed Mursal oo ay ku eedeeyeen inuu ka been sheegay Hindisaha Maaliyada isla markaasna uu isagu luuq la galay.

Aqalka sare waxay sheegayaan in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu baal maray sharciga isla markaasna uu Hindisaha maaliyada wax ka badaley isagoo sheegay in Labada Aqalba aysoo arkeen Hindisahaan.

Warar Waxaa jira iyana Sheegaya in Hindisaha Maaliyada ay soo gudbisay Wasaarada Maaliyada, Laakiin ay qodobo ka badaleen Aqalka sare, Balse Qodobadii ay ka badaleen Aqalka sare ayaa si aan qaynuunka waafaqsaneyn meesha looga saaray, Waxaana lagu eedeynayaa Gudoomiye Mursal inuu ka dambeeyo Arinkaas.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal wali dhankiisa kama uusan hadalin eedeyntaan.

Puntlandi.com Muqdisho

<