Akhriso Warmurteeyadka Mudulood “ Dalka Masoo gali karaan Ciidan aan Amisom ahayn, Doorashaduna wakhtigeeda waa inay ku dhacdaa”

“Hadii talada Dalka ay gacanta ugu jiri lahayd Beesha Mudulood, warkoodu wuu cad yahay oo hal maalin uguma dareen Xili wakhtiyeedka Madaxweyne Farmaajo, Ciidamada Itoobiyana idkama soo galeen Dalka hadaysan Amisom ka tirsanayn”

Muqdisho-6 Ogoosto,2020–Pi— Magaalada Muqdisho waxaa kusoo gabagaboobay Shirweynihii Beesha Mudulood kasoo socdey ku dhowaad Sadex maalmood, waxaana kasoo qayb galay Qayba kala duwan ee Bulshada oo ay hogaaminayeen Isimada Beesha iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya.

Madaxweyne Cali Mahdi, Madaxweyne Shariif Sh Axmed, Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Soyaasiyiin kale ayaa hormuud u ahaa Shirka.

Gabagabadii Shirka waxaa maanta lagasoo saaray Warmurtiyeed dheer oo qodobeysan, Qodobada waxaa kamid ahaa….

1- In aysan Dalka soo gali karin Ciidan Ajnabi ah oo aan qayb ka ahayn Amisom

2- In. Hay’adaha Dowladu ay joojiyaan tacadiyada ay ku hayaan Shacabka

Qodobka kale ee Muhiimka ah oo Beesha soo jeedisay waxaa weeye qodob ku saabsan Doorashada 20/21, Waxayna Beesha Cod dheer ku sheegeen in aan hal maalin lagu dari Karin Wakhtiga Doorashada.

Beesha waxay ku baaqdey in ay Dalka ka dhacdo Doorasho loo dhan yahay oo aysan koox kaliya taladeeda lahayn, ayna wakhtigeeda ku dhacdo,

Waakan hoose Warmurtiyeedkii Beesha

<