Gaalkacyo waxay noqon kartaa Magaalada ugu casrisan Soomaaliya, Deni iyo Qoorqoor ma badbaadsheen Gaalkacyo

Maalmahaan Waxaa Gaalkacyo ka socda horumar Amaan iyo mid dhaqaale, waana markii ugu horsysay mudo 14 sano ah oo Gaalkacyo ay yeelato dareen Amni wanaag iyo koboc dhaqaale.

Tan iyo markii la doortay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kasriye (Qoorqoor ) Waxaa bilowdey Howlgalyo lagu sifetnayo Xaafada Baraxley oo agats goob ay ukumo dhigteen Ururka Argagixisadu, taas kuma uusan ekaane, Wuxuu durba Gaalkacyo kula kulmey Dhigiisa Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, Waxayna Labada Masuul isla garteen in Gaalkacyo dhibka laga daayo , ayna Labada dhinac iska kaashadaan Sidii Gaalkacyo u noqon lahayd Magaalo Amaan iyo horumar leh.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo labduba Ah laba wiil oo Gaalkacyo kasoo jeeda ayaa loo xilsaaray Iney Gaalkacyo ka dhigaan Magaalo nabad lagu wada noolaado.

Madaxweynaha Dowlada Puntland ayaa dhankiisa wuxuu balan qaadey inuu shaqsiyan ka qayb qaadan doono dhiirigalinta Mashruucaan uuna garab istaagi doono oo uu waliba Gaalkacyo joogi doono in Mudo ah.

Hada bil ku dhowaad ayuu Madaxweynuhu uu joogaa Gaalkacyo, Waxaa socda ididiilo wanaagsan, Reer Gaalkacyo waxay muujiyeen Iney diyaar u yihiin isbadal iyo isu tanaasul.

Wasiirka Ambiga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, Wuxuu Xaafada Baraxlay ka sifeeyey Al-shabaab, Ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa markii ugu horaysay waxay howlgal wada jir ah ay kasameeyeen Koonfurta Mudug si ay ulawada dagaalamaan Argagixisada, taas kadib waa lasii socday oo Sodon sano ku dhowaad waa markii u horaysay oo Ciidan Reer Puntland ah ay dhaafaan Cadoodo iyagoo kusii jeeda Dhusamareb, tani waxay niyad jab ku riday Argagixisada iyo Siyaasiyiintii qasi jiray Gaalkacyo markay Dano Siyaasadeed leeyihiin.

Hadii Masuuliyiintaan ay ka gun gaaraan hamiga ay wada saxiixeen Qoorqoor iyo Deni ayna gacanta ku hayaan Fiqi iyo Dhabancad, Waxaa hubaal ah in Gaalkacyo noqon doonto Caasimada Soomaaliya, AMA ay noqon doonto Magaalo loosoo dalxiistago.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<