Xaafada Baraxlay oo Horumarka ka jiray Gaalkacyo laga qayb galinayo

Xaafada Baraxlay ee Magaalada Gaalkacyo waxay ka mid tahay Shanta Xaafadood ee Gaalkacyo, Waana Xaafada ay Maamulaan Maamulka Galmudug.

Heshiisyadii dhowaan ay wada gaareen Puntland iyo Galmudug waxaa qayb ka ahaa in Puntland iyo Galmudug ay kawada qayb qaataan Horumarinta iyo Amaanka Magaalada, Tasoo macneheedu yahay in Hadaba kii taag daran la gacan qabto.

Dowlada Puntland waxay hada bilowdey iney Mashruucii u horeeyey ay gaarsiiyaan Xaafada Baraxley.

Wado laami ah ayay Dowlada Puntland ka hirgalinaysaa Gudaha Xaafada si loogusoo xiro Magaalada inteeda kale, Waxaana Mashruuca Xariga kawada jaray Madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni iyo Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.

Wadadaan waxay isku xiraysaa Hotelka ugu weyn Baraxley iyo Bartamaha Gaalkacyo, Waxayna qayb ka qaadaneysaa isusocodka.

<