Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland oo Puntland ku matalaya Gudiga Farsamada ee Doorashada 20/21

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Wasiirkiisa Arimaha Gudaha iyo Arimaha Federaalka Maxamed Cabdullaahi Dhabancad wuxuu u Magacaabay Hogaaminta Gudiga Puntland ugu biiri doona Gudiga Farsamada ee Doorashada 20/21, Gudigaasoo shaqadiisu tahay dhamaystirka Arimihii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb .

Agaasime Xigeenka Madaxtooyada Puntlnd Cabdiwali Cali Cabdille ayaa isna Wasiirka ku weheliya doona kamid noqoshada Gudiga, Maamul Goboleedyada kale iyana min laba Xubnood ayay soo diraan doonaan.

Gudiga Farsamada Shaqadooda ugu weyn waxay noqonaysaa inay soo diyaariyaan Nooca Doorasho Dadban ee Dalka ka dhici doonta.

Puntlandi.com Garowe

<