Maxaa Shirkii Dhuusamareeb lagu heshiiyey oo aynaan ogayn

Shirkii Wadatashiga Siyaasada Soomaaliya ee kusoo gabagaboobay Magaalada Dhuusamareeb Waxaa kasoo baxay dhowr qodob oo ay Siyaasiyiintii Shirka isugu taga ku heshiiyeen Laakiin waxaa jira Qodobo aan lasoo bandhigin balse lagu heshiiyey.

Qodobadaas oo Siyaasiyiinta qaarkood codsadeen in aan Warmurtiyeedka lagu soo darin maadaama ay iyaga dhawac Siyaasadeed u keeneyso, waa sida ay u arkaane ama ay dareensan yihiin, laakiin waxaase aakhirkii la isla gartay in Qodobada laga reebo Warmurtiyeedka islamarkaasna si gaara Lookala saxiixday.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa culeys lagu saaray inuu ka tanaasulo Doorashadii Qof iyo Cod ahayd, islam markaasna meesha laga saaro Doorashada oo wakhtigeeda ka dib dhacdo, Sida aan Warar hoose ku heyno, maalmihii Shirku dheeraaday waxaa lagu mashquul sanaa sidii Madaxweyne Farmaajo looga dhaadhicin lahaa ineysan suuragal ahayn Doorasho Qof iyo Cod ah oo Soomaaliya ka dhacda wakhtigaan, balse loo baahan yahay xal Siyaasadeed oo ka turjumaya kara Xaalada la joogo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey James Swan uu xitaa khadka telefoonka kula hadlay Madaxweyne Farmaajo, lama yaqaan waxay kawada hadleen balse waxaa loo badinayaa inuu isna dhankiisa cadaadis ku saaray Madaxweynaha inuu kasoo dego mowqifkiisa ah Qof iyo Cod.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Farmaajo wuu kasoo degay Buurtii uu saaraa Waxaana lagu heshiiyey Doorasho Dadban io ku salaysan 4.5 innay Dalka ka dhacdo bisha December Sanadkaan, Si culayka Siyaasadeed looga dajiyo Madaxweyne Farmaajo waxaa la isla gartay in Qodobkaan aan lagusoo darin Warmurtiyeedkii Shirka, Laakiin Gudiyada Farsamo ay soo dhiraandhiriyaan nooca Doorashada Dadban noqonayso, Waxaa la isku raacsan yahay in Doorashadu u ekaato Doorashadii hore laakiin tirada Xildhibaanada soo dooran doona ayaa la isku hayaa, Kalkii hore Xildhibaanka waxaa soo doortay Kontomeeye Reerkiisa ah, Laakiin Kalkaan waxaa la rabaa in tirada intaas laga badiyo.

Waxaa iyana meesha laga saaray gabi ahaan saameynta ay Baarlamaanka hada jira ay ku yeelanayaan Doorashada, tasoo keenaysa Buuq ka dhex dhalan doona Xukuumada iyo Xildhibaanada hada jira, Markay ka warhelaan Heshiiskaan qarsoon ee lawada gaaray.

Puntlandi.com Gaalkacyo

<