Kadib maalmo Adag Madaxweyne Deni iyo Madaxweyne Qoorqoor oo u Madasho tagay Cadaado

Kadib maalmihii adkaa ee Shirkii Dhuusamareeb Labadaan Madaxweyne waxay saaka u nasasho tageen Deegaanka Cadaado.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug waxay booqasho ku aadeen Magaalada Cadaado halkaas si heersare ah loogusoo dhaweeyey.

Labadaan Madaxweyne ayaa si dhow uwada shaqaynayay Labadii bilood Ee lasoo dhaafay, Waxayna ahaayeen Maskaxdii ka dambeysay In Shir wadatashi lagu qabto Dhuusamareeb.

Waxaa muuqata in mudadii Shirkaas uu socdey ay qabteen Shaqooyin Adag kadibna miro dhalay guushana laga gaaray Shirka.

Madaxweynayaashii kale ee Shirka Dhuusamareeb ka qayb galay waxay ku noqdeen Guryohoodii laakiin iyagu iyagoo wali wada socda waxay u Nasasho tageen Deegaanka uu Madaxweyne Qoorqoor kasoo jeedo, Caawa halkaas ayay u hoyanayaan kadibna Gaalkacyo ayay wada aadayaan.

Hoos ka daawo soo dhaweyntii Cadaado
puntlandi.com Dhuusamareeb

<