Buuq ka taagan kulankii Baarlamaanka Federaalka ee masnta

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Xildhibaanada Federaalka Soomaaliya ayaa Buuq iyo sawaxan isu badalay kasoo dhaliyey in kulankii uu hakad galo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo shir gudoominayay kulanka ayaa hada wada Dadaal uu doonayo in kulanku sii socdo.

Wasiiro iyo Wasiiro xigeeno ka tirsan Xukuumada ayaa buuqa bilaabay.

Kulanka Baarlamaanka ee Maanta wuxuu Ajandihiisu ahaa ka doodida Doorashada 20/21.

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada ayaa u muuqda iney La wareegeen Shaqadii Xildhibaanada, Waxaana hada muuqata in si dadban shaqajoojin looguvsameeyey Baarlamaanka waana tan keentay Buuqa iyo qaylada kasoo yeeraysa Gudaha Baarlamaanka.

Shirkii Dhuusamareeb waxaa lagu go’aamiyey oo Madaxweyne Farmaajo saxiixay Wadada loo marayo Doorashada iyadoon waxba la waydiin Baarlamaanka, Waana iska caadi mar hadii xiligaan kala guurka la gaaro in shaqada lagala wareegto Baarlamaanka,

wixii kasoo kordha kulanka Baarlamaanka kala soco Puntlandi.com

<