Breaking News— Baarlamasnka Soomaaliya oo sheegay iney Kalsoonidii kala laabteen Xukuumada RW Kheyre

Inkastoo kulanka Baarlamaanka ee maanta uu Buuq hareeyey hadana waxaa la sheegey in codka kalsoonida loo qaadey Xukuumada isla markaasna Kalsoonidii lagala laabtay Xukuumada Raysal wasaare Kheyre.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa ku dhawaaqaybin kalsoonida lagala noqdey Xukuumada, Xildhibaanada qaar ayaa Gudoomiyaha ku eedeynaya inuu ka dambeeyo Afgabiga lagu sameeyey Xukuumada.

Gudoomiyaha Maxamed Mursal ayaa durba ka baxay Baarlamaanka wuxuuna aadey Gurigiisa, sidaas ayuuna kulankii maanta kusoo dhamaadey.

Puntlandi.con Muqdisho

<