Wararkii ugu dambeeyay Shirka Dhuusamareeb, Hadii laka tago Maxaa xigi doona

Tan iyo Maalintii ay Madaxda Soomaaliya ay isugu wada yimaadeen Dhuusamareeb waxaa socdey wadaxaajood iyo u gogolxaarkd Shirweynaha Wadatashiga Doorashada, laakiin waxaa ilaa maalintaas socdey waxay habayn walba kusoo dhamaadaan ishiijiid.

Muranka ugu xoogan wuxuu ka jiraa Madaxweyne Farmaajo oo wali ku adkeysanaya Doorasho Cod iyo Qof ah, halka ay aaminsan yihiin Madaxda Maamul Goboleedyadu Intaas aysan sinaba suuragalbuga ahayn Soomaaliya xiligaan la joogo.

Raysal wasaare Kheyre oo isagu aad u afgaabnaa intii Shirku socdey wuxuu Xalay muujiyey in uu u janjeero dhanka Maamul Goboleedyada, wuxuu mar sheegay in loo bahan yahay in meel la isugu yimaado loona daadago si Macquul ah oo ka turjumaya waxa la Awooda.

Waxaa hada muuqata oo raga qaarkood u ololaynayaan in Madaxweyne Farmaajo uu Xamar ku laabto Shirkaan uu isaga baxo,

Hadii taas dhacdo Maxaa xigi doona

Hadii lagu kala tago Shirka iyadoon wax go’aan ah lawada gaarin waxaa iman kara laba arin oo qura.. Ogowna hadaad maqashii Waa laka tagay oo Gudiyaa loo saaray inay wada hadlaan, taas macneheedu waa Shirku waa Burburay, labada arimood waa…

1- In Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu ay Shirkooda sii waatan isla markaasna ay ku baaqdaan Gogol kale oo lagu casumayo Xisbiyada iyo Beesha Caalamka isla markaasna khasab lagusoo fariisiyo Madaxweybe Farmaajo, halkaasn dhanka la isaga dhigo si dhabana loo wada hadlo.

2- In dib loogu noqdo qaabkii waayadii kumeel Gaarka ay Xukuumadu ahayd, Beesha Caalamka ayaa shir isugu keenaysa Saamilayda Siyaasada Shirkaasoo laga yaabo inuu ka dhaco Xalane ama Nairobi, Xaalku haduu halkaas gaaro waan wada filo karnaa waxa ka soo baxaya, Roadmap ama wax u qaab eg ayaa kasoo bixi doona.

Labadaan arimood oo qura ayaa la filan karaa hadii Shirka Dhuusamareeb uu guul daraysto.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<