Madaxweyne Deni oo la kulmay Urarada Bulshada

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Dhuusamareeb wuxuu kula kulmay Ururada Bulshada Rayidka ah.

Madaxweynaha ayaa Ururada Bulshada ka dhagaystay ra’yigooda Siyaasada Soomaaliya xiligaan kala guurka iyo Arimaha Doorashada.

Ururada Bulshada ayaa dhankooda Madaxweynaha waydiiyey Su’aalo, Euxuuna kulankaas kusoo dhamaadey Isfahan iyo Waxbisweydaarsi.

Shalay ayaa Ururada Bulshadu waxay kulankaan oo kale ay la qaateen Madaxweyne Farmaajo, kulankaasoo dhaliyey Buuq Siyaasadeed oo dhex maray Ururada Bulshada iyo Madaxtooyada Villa Soomaaliya, buuqa ayaa wuxuu ka dhashay kadib markii ay Villa Soomaaliya ay soo saartay Warsaxaafadeed ay ku been abuurteen Ururada Bulshada.

Hoos ka Daawo kulankii Madaxweyne Deni iyo UBR

<