Kulan gaaban oo maanta dhexmaray Madaxda ku sugan Dhuusamareeb

Kulankaan wuxuu hordhac uyahay Furitaanka Shirka weyn oo lagu wado beri oo Talaado ah, Ma jiraan wax natiijo ah oo ilaa hada la isku raacsan yahay oo kasoo baxay Kulamadii Madaxweyne Farmaajo uu qaybta ka ahaa.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu wali aaminsan yahay Doorasho Cod iyo Qof ah halka Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha kale ay taas u arkaan mid aan Macquul ahayn xiligaan hada la joogo.

Xogta aan hayno waxay sheegaysaa in Madaxweyne Farmaajo Uu hadalka kusoo koobay Doorashadu waa iney ku salaysnaatas Dastuurka tasoo ay ku jahawareereen Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyadu, Madaxweynaha Hirshabelle Waare ayaa Madaxweyne Farmaajo ka codsadey inuu Sharaxo Doorashada uu rabo oo Dastuurkana Waafaqsan, Laakiin Madaxweyne Farmaajo jawaab toosa kama uusan bixin.

Wararka kale ee aan helayno Waxay sheegayaan Masuuliyiinta Marka laga reebo Madaxweyne Farmaajo ay inta kale waatan mowqif isku dhow oo u yara eg qaab u dhow qaabkii Lagusoo Doortay Baarlamaanka hada jooga.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<