Dhuusamareeb Live— Kulamadii Xalay oo badankoodu guuldaraystay

Xalay oo Isniin soo galaysay waxaa Dhuusamareeb kandhacay kulamo gooni gooni ah kuwasoo durba ay badankoodu ku dhamaadeen guul daro.

Kulankii Xalay dhexmaray Mdaxweyne Farmaajo, Madaxweyne Deni iyo Mdaxweyne Axmed Madoobe oo aan Xog kooban ka helnay wuxuu ku dhamaadey isfahan la’aan.

Mdaxweyne Farmaajo wuxuu Labada Madaxweyne ka dalbadey in ay taageeraan Qorshaha Dowlada, taas badalkeeda wuxuu sheegey Madaxweyne Farmaajo inuu si buuxda u taageerayo Axmed Madoobe, Puntland iyana uu so dhow ula shaqaynayo.

Mdaxweyne Deni ayaa la sheegey inuu si cad ugu gacan sayray soo jeedintii Madaxweyne Farmaajo, Wuxuuna Mdaxweynaha Puntlnd uu hoosta ka xariiqay in Qorshaha Farmaajo ee Doorasho Qof iyo Cod ah uusan taageerayn, uuna u arko Riyo aan rumoobi karin.

Kulankaas oo mudo saacado ah socdey wax guul ah kama soo bixin.

Raysal wasaare Kheyre ayaa isna la kulmay Madaxweyne Qoorqoor, inkastoo war rasmi ah aan laga hayn Natiijada kulankaas laakiin wuxuunu muuqdey mid ay isku farmene labada Masuul Eaxyaabihii ay kawada hadleen.

Ururada Bulshada ayaa siyaabo kala duwan waxay Ula kulmeen Madaxweyne Farmaajo iyo Mdaxweyne Deni.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<