Daawo : – Marwo Caasho Buraale Xaaskii AUN Wasiirkii Dibada Maamulka Hargeisa Marxuum Fagadhe ( Beesha Dhulbahante ) oo sheegtay in Askar Muse Biixi u soo diray ay Jidh Dil u geysteen.

Marwada Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Maamulka Somaliland Marxuum Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe ) oo ka soo jeeday Beesha Dhulbahante ayaa maanta sheegtay in maalintii khamiista 16.07.20202 Ciidanka Somaliland Jidh-Dil u geysteen.

Marwo Caasho Buraale oo maanta Warbaahinta u soo bandhigtay dhaawacyadii loo geystay ayaa carabka ku xajisay in Ciidamo uu soo diray Muse Biixi ay soo weerareen isla markaan waxyoole iyo Gacan-qaad shskhsi ah u geysteen.

Marwo Caasho Buraale ayaa dhaqankaas foosha xun ee ah in loo gacan qaado Xaas hogaamiye Siyaasadeed ku tilmaantay fal qabyaladeed oo meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo Gobonimada Umadda Somaaliyeed.

Halkan ka daawo shirkii Jaraa’id ee Marwo Caasho Buraale.

<