Breaking News Xog Deg deg ah— Mdx. Waare iyo Mdx.Deni oo aad uga xumaaday hadal kasoo yeeray Madaxweyne Farmaajo

Xogo og’ogaal ah oo Howlwadeenada Puntlandi.com ay ka heleen Ilo Dublamaasiyadeed ayaa sheegay in Madaxweynayaasha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ay ka xumaadeen hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Dowlada Federaalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo intii lagu guda jiray Wadahadaladii goosgooska ahaa ee Dhuusamareeb ka dhacay shalay galab.

Hadalka ay labadaan Masuul ka xumaadeen ayaa ahaa kadib markii Madaxweyne Farmaajo uu si cad u yiri “Shacabka Soomaaliyeed Waqooyi ilaa Koonfur waxay aaminsannyihiin Ayaan ku shaqaynaynay tan iyo maalintii lana doortay ilaa maanta, Waana muhiim in Aynu wada ilaalino Dastuurka, waana mida aan ku hanweynahay in Doorashadu ay noqoto mid Dastuuri ah iyadoo aan Talooyinka la wadaagaynaa Gudiga Doorashada”.

Hadalkaan ayaa wuxuu xoojinayaa in Mdaxweyne Farmaajo uu ku dhagan yahay Doorasho Qof iyo Cod ah,, wuxuuna baaq dhaga hadal ah u dirayay Shanta Madaxweyne ee Dowlad Goboleedyada.

Dublamaasi ku sugan Dhuusamareeb ayaa ka digay in Madaxweyne Farmaajo uu doonayo inuu Shirka Wakhtiga ka lumiyo kadibna uu Muqdisho ku laabto, wuxuuna raaciyey in taas ay khatar ku tahay Mustaqbalka Dalka.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<