Kulankii Maanta dhex maray Madaxweyne Farmaajo iyo Ururada Bulshada, Madaxweynuhu wali Qof iyo Cod ayuu ku adkeysanayaa

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu maanta uu Dhuusamareeb kula kulmay Ururada Bulshada qaarkood, Kulankasoo ay Villa Soomaaliya soo qabanqaabiyeen.

Xubnaha Ururada Bulshada lagasoo xulay ayaa Ahaa Dad sigaara loosoo xulay kuwasoo fikir ahaan wali Aaminsan in Dalka ay ka dhici karto Doorasho Qof iyo cod ah, Waxaa kulanka lagu casumay oo kooxdaan lagu Barxay dhow Qof oo aan fikirkaa Aaminsaneyn.

Madaxweynaha Su’aalihii lawaydiiyey waxay u badnaayeen oo 80% ay ahaayeen kuwo ay waydiinayeen Shaqsiyaad Aaminsan Siyaasada Madaxweynaha.

Jawaabaha Madaxweynaha waxaa ka muuqdey in uu Madaxweyne Farmaajo uu wali aaminsan yahay in Dalka ay ka dhacayso Doorasho Qof iyo Cod ah.

Sawirada Hoos kadaawo

<