Breaking News— Ururada Bulshada Rayidka oo been abuur ku tilmaamey Warsaxaafadeedkii Villa Soomaaliya, Akhriso labada Warsaxaafadeed

Qoraal caawa Fiidkii kasoo baxay Vila Soomaaliya oo looga hadlayay Kulankii dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Bulshada Rayidka ayaa lagu sheegay in Bulshada Rayidku ay taageereen Doorashada Qof iyo Cod ah ayna taageersan yihiin Gudiga Doorashada.

Balse Warsaxaafadeed hada ay soo saareen Bulshada Rayidka ah ayay ku sheegeen in Villa Soomaaliya ay ku been abuurteen kulankaas, isla markaasna aysan Bulshada Rayidka ah aysan taageero nooc Doorasho.

Ururada Bulshada Rayidku waxay hoosta ka xariiqeen in lagu been abuurtay.

labada Warsaxaafadeedba hoos ka akhriso, Waliba Warsaxaafadeedka Villa Soomaaliya, Akhri qodobada ugu hooseeya oo ah kuwa ay Ururadada Bulshada Rayidka ah ay been abuurka ku tilmaameen

Hoos ka akhriso Warsaxaafadeedka Bulshada Rayidka ah

Hoostaana ka akhriso kii Villa Soomaaliya
Muqdisho, Luuliyo 19, 2020; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la kulmay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa uga warbixiyey hannaanka geedi socodka siyaasadeed ee dalka, dadaallada xasilinta dowladnimada iyo sii-amba-qaadidda qorshaha Qaran ee qabsoomidda doorasho daah-furan.Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Ururrada Bulshada Rayidka ah sida ay ugu hanweyn yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda ku wajahan hannaanka doorashooyinka dalka, ugana shaqeyn lahaayeen in la xaqiijiyo xuquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan hoggaaminta dalka.Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga warbixiyey hormuudka Ururrada Bulshada Rayidka ah dadaallada dowladda ee ku aaddan xaqiijinta xasilooni siyaasadeed, waxa uuna ku bogaadiyey sida ay ugu taagan yihiin muujinta aragtidooda ku aaddan dimuqraadiyadda iyo qabsoomidda doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoomta.Dhankooda, Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa la wadaagay Madaxweynaha rabitaankooda ku aaddan doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka hana qaadda, waxa ayna muujiyeen in ay qorshahaas ku garab taagan yihiin Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
DHAMMAADWixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir 
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 
E-mail: media@presidency.gov.so 
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Facebook: https://www.facebook.com/VillaSomaliaOfficial/ 
Twitter: @TheVillaSomalia
<