Axmed-Yasiin Sooyaan : – ” Farmaajo ” Dhuusomareeb ama lagu kala dareer ama muddada la ii kordhi!

Jinniyow ka bax, Malaa’igay ku jir!


Wixii Beesha Caalamka loogu yeerayay waa isa suux-suuxinayaan oo dad badan baa rumaysan mar haddii aysan ka soo dhex muuqan wajiga labaad ee shirka DHuusomareeb inay ka maqanyihiin shirka, laakiin joogitaanka madax-weyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ee shirka waxaa la oran karaa waxaa qayb ahaan xubnaha ugu muhiimsan ee lagu tuhmi karo qaska iyo deggenaansho la’aanta siyaasadda Soomaaliya; Itoobiya (Abiy Axmed) Maraykanka (Yuki Yamamoto Donald) Ingiriiska (Ben Fender) Qatar (Xasan Xamza) Qarammada Midoobay (James Swan) iyo AMISOM (Francisco Madeira)waa ay fadhiyaan shirka. Sida muuqata ama ay qabaan inta badan dadka u kuur gala xaaladaha siyaasadeed ee Somaaliya madax-weyne Farmaajo ayaa shirkaas ku yimid talada waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo ay u horeeyaan wadammada aan kor ku soo xusnay oo iyagu ah kuwa ugu dadaalka badan ee qaba in Madax-weynaha muddo kordhin loo sameeyo waliba waxay rumaysanyihiin nooc kasta oo doorasho kasta oo uu galo madax-weyne Farmaajo inaan mar kale la soo dooranayn waxaana walaacaas si dhib yar looga dheehan karaa dhammaan siyaasiyiinta mucaaradka ah siiba kuwooda murashaxiinta ah.


Waxaa iyadana in si cad loo fahmo u baahan in xeerarka iyo nidaamka doorasho ee guddoomiyaha aqalka hoose Max’ed Mursal SH. Cabdi-Raxmaan uu maalin kasta ku celcelinayo inay gudbiyeen inaysan qaynuun noqon karayn ilaa aqalka sare la soo mariyo, isla markaasna ilaa iyo hadda nidaamka doorasho ee qaynuun ahaan dastuurka ku qoran ay tahay doorashada nooca dadban oo ah middii lagu soo doortay madax-weyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Nidaamka doorashada eek u qoran dastuurka oo ah nooca doorashada dadban wali lagama doodin in la bedelo laakiin madax-weynaha iyo kooxdiisa waxay si qaylo dheer ah suuqa mariyeen in doorasho qof iyo cod ah waqtigeeda ay dalka ka dhici doonto, waxayn wali ku celcelinayaan arrintaas si loo qaadan karo inay uga dan leeyihiin inay dad-weynaha ku marin habaabiyaan.


Marka dib loo fiiriyo hannaankii siyaasadeed ee muddada 4ta sano ee dhow-dhow ay ku soo shaqaysay xukuumadda uu madax-weynaha ka yahay Farmaajo, ra’iisal wazaarahana uu ka yahay Xasan C. Kheyre waxaa si fudud looga fahmi karaa inuusan qorshaha madaxda ku jirin inay xafiiska ku baneeyaan muddo xileedkii loo doortay markuu dhammaado, waxayna u ekaayeen niman kalsooni buuxda ku qaba inaysan waligood xafiiska ka tagayn, waxayna waqtigoodii intiisii badnayd ku bixiyeen dacaayado iyo inay wadaniyad ku faanaan iyadoo aad looga walwalsanyahay heshiisyo qarsoodi ah oo ay la galeen dowladda Itoobiya oo iyada ah cadowga taariikhiga ah ee Soomaaliya, waxaana aad loo rumaysanyahay in heshiisyadaas qarsoodiga ah ay ugu weynyihiin waxyaabaha ku dhiiri geliyay inay ku fekeraan inaysan xilka ka deigin iyo inay burburiyaan nidaamka federal-ka ah ee ummaddu ku heshiisay iyo dowlad goboleeddada.


Saaxiibo haddana col ah,
Col haddana saaxiibo ah!

Sideedaba dadku ama saaxiib ha ahaado ama col ha ahaado laakiin haddi ay jirto dan ka dhexeysa oo isku haysa ama awood isku qasbaysa sababo danahooda la xiriira ama baqdin ay ka qabaan awooddaas lama kala garto inay col yihiin iyo inay saaxiib yihiin!…dad badan oo waxaan arkay ku mashquulay inay Farmaajo iyo Kheyre isku siyaasad yihiin iyo in kale! Waxba macna ah taas ma samaynayso jawaabteeduna waxaa weeye waqtiga ka haray xilkooda haddii ay heshiis yihiin iyo haddii ay iska hor yimaadaan macno ay soo kordhinayso ma jiro, siyaasadda ay ku wada shaqayniyeen intii ay talada soo hayeenna waxay ahayd oo ay wada qaateen inay awoodda iyo qoriga Itoobiyana dalka ku haystaan khayraadkiisana ay iyaga keligood yeeshaan laga bilaabo dulaalnimo ilaa heer milkiilinimo!

Xubnaha shirka fadhiya iyo dad-weynaha waa inay gartaan sida arrintu tahay, ma aha ma col baa ma saaxiib baa?! Waqtiga ka harayna haddii ay coloobaan iyo haddii heshiis ahaadaan waxba ka bedeli karo dhaawacii ay geysteen, waxa keliya oo ay maanta ummadda ku sabeen xiri karaan waa iyagoo si nabad ah doorashada waqtigeeda ku qabta, umase malaynayo inay leeyihiin geesinimadaas iyo karti ay go’aankaas ku qaadan karaan.


Waxaan iyadana meesha laga saari karayn inay jirto istaraatijiyad gaar ah oo dabeecad ahaan madax-weyne Farmaajo iyo ra’isal wazaare KHeyre midaynaysa marka ay timaado siyaasadda nidaamka federalism-ka ee dalku qaatay. Waxaa kale oo aan iyadana meesha laga saarain karayn ama u badantahay inay jiraan awoodo labada nin ay wada hoos tagaan oo siyaasaddooda ay ku wada shaqeeyaan si aan waafaqsanayn xeerarka iyo dastuurka dalka oo ay qasab ku tahay inay labadoodaba u adeegaan sababtuna waxay tahay inay markii hore isu dhiibeen oo taladii dalka la hoos galeen dalal duulaan ku ahaa jiritaanka qaranimo ee Soomaaliya sida Itoobiya, iyo Qatar.


Farmaajo iyo Kheyre inay wajiga labaad ee shirka DHuusomareeb ku soo biiraan macnaheedu ma aha ama looma qaadan karo inay siyaasaddoodii wax ka badeleen laakiin saykoolojigooda ayaa wuxuu ku salaysanyahay inay ballan qaadyo been ah, khayaano, isku dir iyo kala qaybin ay ku gaari karaan dan kasta oo ay leeyihiin iyadoo aan marna meesha laga quwado shisheeye oo ay dhiiri gelin ka haystaan waana sababta ugu muhiimsan ee ay ku salaysantahay joogitaankooda shirka…waxaana shaki la’aan ah in muhimaddooda ugu dambaysa ay tahay inaan lagu eedeyn inaysan tagin shirka DHuusomareeb laakiin aysan dan ka lahayn wax kasta oo ay noqoto natiijada shirka!… odeygii reeka haddii uu leeyahay: Marti kooytoo oo in kooynee ani lamo iyo tobonkay galaanjo yaa fadee!( Ama marti ha timaado ama yeysan imaan anigu labo iyo tobankaygii qaado ayaan rabaa!…. ).


Ama, Ama! Gow iyo Gish ma leh
ama
muddadaa la ii kordhinayaa!

Marka la eego fikirka iyo qorshaha xubnaha xukuumadda federal-ka ee madax-weyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisal wazaare Xasan Cali Kheyre ay rabaan inay ku wajahaan arrimaha doorashada ee looga hadlayo shirka DHuusomareeb waxaad moodaa inay adkaan doonto inuu shirkaas ku soo dhammaado natiijo laysku af-gartay oo lagu maarreyn karo cabsida, tuhunka, iyo madmadowga hareeyay xaaladda kala guurka ah ee dalku hadda maraayo.

Madax-weyne Farmaajo wuxuu rumaysanyahay in fursadda keli ee u furan si u madax-weyne u sii ahaado ay tahay oo keliya isagoo muddada loo kordhiyo, wuxuuna doonayaa madax-weynuhu qiimo kasta ha ugu kacdee inuu arrintaas meel mariyo, waxaana arrintaas dhinacooda ku taageeraya waxa Beesha Caalamka loogu yeero oo ay ugu horeeyaan dalalka Itoobiya, Maraykanka, Ingiriiska iyo Qatar oo iyagu rumaysan inuusan jirin mas’uul Soomaaliyeed oo ka helayaan danayowga gurucan ee ay maali kasta ka fushadaan madax-weyne Farmaajo, waxayna dhammaantood isku raacsanyihiin in nooc kasta oo doorasho oo la qabto aan mar kale la so dooranayn Farmaajo.

SHaxda ah in nidaamka doorashada la galayo ay noqoto nooca qof iyo cod ah, ma aha arrin ka dhab ah dowladahaas iyo madax-weyne Farmaajo, laakiin waa mid looga jeedo in muranka arrintaas ka dhalanay muddada loogu kordhiyo madax-weyne Farmaajo maadaama aysan jirin rajo laga qabo noocay doontaba ha ahaatee inuu doorasho ku soo bixi karaayo madax-weyne Farmaajo, sidaas daraadeed ma aha arrin looga fadhiyo inuu isaga ama iyaga ka tanaazulaan ku celcelinta nooca doorashada qof iyo cod. Waxaa dhinaca kalana arrintaas inay sharci ka dhigaan loo soo diyaariyay guddoomiyaha golaha shacabka (aqalka hoose) Maxamed Cabdi-Raxmaan Mursal iyo ku xigeenkiisa Cabdi-Wali Muuddeey iyadoo layska indho tiriyo oo si cad loo garab marayo dastuurka dalka u yaala iyo kaalinta aqalka sare oo aad moodaba in madax-weynaha, ra’iisal wazaaraha iyo dowladahaasba ay inkirsanyihiin jiritaankiisa…waxaa kale oo aan iyadana laga tegi karin xaladaha ka soo kordhay dalka Itoobiya iyo kacdoonka qoomiyadda Orommada oo iyagana qasab ka dhigaya in Abiy Axmed uu ka shaqeeyo oo uu ku mintido inuu taageero wax kasta oo uu ku gaari karo inuu Farmaajo xilka sii hayo inta uu ka adkaanaayo kacdoonka gudaha Itoobiya ka bilowday…

Talaa la gudboon
5ta madax maamul-goboleed!

Arrimaha shirka ma sahlana, waa laba daran mid dooro; joogitaanka xafiiska madax-weynaha ee Max’ed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo aysan ciyaar ahayn waxay khatar ku tahay jiritaanka qaranimmada Soomaaliya iyo cabsida laga qabo inuusan si nabad gelyo ah ku wareejin talada dalka sidii isagaba loogu dhiibay… labadaas arrimoodba waa kuwo u baahan inay ku talo galaan madax maamul-goboleeddada isla markaasna ay ka gaaraan talo wada jir ah oo ay ku midaysanyihiin, waxaa sidoo kale looga baahanyahay madax maamul-goboleeddada inay maanka ku hayaan khataraha iyo xaaladaha siyaasadeed ee dalka soo wajahaya isla markaasna ay la socodsiiyaan dad-weynaha….

Waxaa sidoo kale la gudboon madax maamul-goboleeddada inay talo wada jir ah oo ay ka midaysan yihiin ka gaaraan shir weyne ay dadka Soomaaliyeed isugu yimmaadaan oo lagu dhiso gole sabata bixin ee dalka gaarsiiya nidaam doorasho oo laysku raaco oo waqtigeedii ku qabsooma iyo waliba dhismaha gole joogta ah oo la dagaalama musuqmaasuqa iyo farag elinta had iyo jeer ay ku hayaan dalalka shisheeyaha ah nidaamka doorashooyinka Soomaaliya.

<