Xog— Gudoomiye Mursal Yaa ka xanaajiyay, Maxaase loogu casumi waayay Dhuusamareeb

Wali ma dhicin xiliga kala guurka Siyaasada Soomaaliya, in Xiliyada ay dhacayaan Kulamada Saamilayda Siyaasada uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ka maqnaado miiska Wadahadalka, Amaba aan lancasuminba, Sadexda Masuul ee ugu sareeya Dowlada Federaalku waxay ahaan jireen kuwo si joogto ah uga qayb gala Wadahadalada Xiliyada Kala guurka, Hakals Socdeen ama ha’wada socdeene.

Warar rasmi ah oo Howlwadeenada Puntlandi.com ay ka heleen ilo wareedyo ku sugan Dhuusamareeb waxay noo cadeeyeen in si ulakac ah loogu diiday inuu Dhuusamareeb Yimaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Dowlada Federaalka Maxamed Mursal.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan “Laftagareen” oo uu khilaaf kala dhexeeya Gudoomiye Mursal ayaa hor istaagay in la casumo Gudoomiyaha, Khilaafka labada Masuul ka sokoow waxaa jira loolan Siyaasadeed oo ku salaysan “Ninka Reerka ubarimiya” Ayaa labada Masuul ka dhexeeya.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Madaxweyne Laftagareen uu uu uvsheegay Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka in isaga iyo Mursal aysan Dhuusamareeb wada Joogeyn uuna sidaas ku isticmaalay diidmada qayaxan ee VITO.

Khilaafka Labada Masuul waakan horseedey in Madaxweyne Laftagareen uu ka baxsado Villa Soomaaliya, uuna ku biiro Garabka Dhuusamareeb.

Sidaas ayaa looga reebay Gudoomiyaha Baarlamaanka Casumaadii loo diray Villa Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal wasaare Kheyre lagu casumay Shirka Dhuusamareeb, Waana sababta keentay in Gudoomiyaha Baarlamaanku uu weeraro Shirka Dhuusamareeb.

Waxaa xusid mudan in si dadban Dhuusamareeb loogu casumay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi XaashibCabdullaahi.

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<