Gudoomiyaha Baarlamaanka hala waydiiyo Dastuurka ma 3-dii sano u dambaysa la sameeyey mise…

Tobankii Sano ee lasoo dhaafay Dalka waxaa ka jiray Dastuurka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya , Qodobada Ku saabsan Doorashada waxba lagama badalin Tobankaas sano.

Tobankaas sano Doorashooyinkii Dalka ka dhacay ma waafaqsanayn Dastuurka, Waayo Dastuurku wuxuu qoraya Doorashada Soomaaliya waa inay ahaataa Qof iyo Cod ka dhacda dhamaan Degmooyinka Dalka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Madaxweyne Farmaajo labaduba waxay ku adkeysanayaan in Dalka ay ka dhacdo Doorasho Qof iyo Cod ah, Nin baa wuxuu arkay waxbuu ka yaabay, kolkaas buu yiri “ war ma anaa Waalan mise Cadan baa laga heesayaa.”,

Gudoomiyaha Baarlamaanka isagoo diidan Shirka Dhuusamareeb Wuxuu maanta shaaca ka qaadey in Raga isugu tagay Dhuusamareeb aysan sharci u lahayn inay Doorashada go’aamiyaan, Islamarkaasna wuxuu raaciyey in Baarlamaanka oo qura ay go’aamin karaan Doorashada, Sida Dastuurka ku cadna ay Doorashadu noqoto mid ku salaysan Dastuurka.

Waxaa isweydiin mudan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada hada jooga ma Qodob Dastuuri ah baa lagusoobdooertay, mise Doorashi Dadban baa lagusoo doortay.

Doorashadii hore ee Lagusoo doortay Masuuliyiinta maanta Xilka haya ma ahayn mid ku salaysnayd Dastuurka, ma ahayn Qof iyo Cod sida Dastuurka ku cad, Waxay ahayd lasoo rogrogay oo lagu galay sidii laga fursan waayay.

Xukuumadii hore ee Madaxweyne Xasan Sheikh Dalka Way gaarsiin waydey Doorasho Qof iyo Codb ah, Laakiin waxay ku guulaysteen iney Dhamaystiraan Dowlad Goboleedyadii. Markay arkeen in ay adagtahay in Doorasho ku salaysan Dastuurka la qabto wuxuu Madaxweyne Xasan Sheikh ku guulaystay inuu xal kale raadiyo, wuxuu isu keenay Saamilaydii Siyaasada, Ogow Saamilayda Siyaasada sinaba uguma jiraan Xildhibaanada Wakhtiga ka dhamaanayo iyo Golaha Wasiirada.

Xukuumada hada talada haysa ee Madaxweyne Farmaajo iyana kuma guulaysan Inay Dalka gaarsiiyaan Doorasho Qof iyo Cod ah, Way ku fashilmeen taas, waxaa taas kasii daran iyadoo bilo ka harsan yihiin Doorashadii , baa laga dhaadhicin la’yahay Dalka Doorasho Dastuuri ah sinaba ugama dhici karto.

Nin ku shaqaysta Xirfada Waardiyanimada, oo Xalay oo dhan waardiye ahaa baa la waydiiyey wuxuu Xalay ku riyooday, wuxuu ku jawaabay “In la riyoodo sow kama horayso in la seexdo”, Doorashada One man One Vote sow kama horayso in Dadka la Diiwaan galiyo, kadibna la sugo Amaankooda si ay Cod xalaala u bixiyaan, ogowna taas waxay qaadanaysa ugu yaraan Sanad iyo ka badan, Markaas kadib baa Dalku Doorasho gali karaa. Yaa u sharaxa oo ka dhaafhiciya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Gudiga Doorashada

Gudoomiyaha Gudiga Doorashada Xaliima Yaray waxay tiri “Doorasho Qof iyo Cod ah Dalka kama dhici karto, laakiin Doorasho Dad kooban oo la Diiwaan galiyey Ayaan qaban karaa, Waxay taas raacisay Ma ogolin Doorasho aan Dastuurka waafaqsanayn in ay Dalka ka dhacdo. Waxay Sharci daro ku tilmaantay Doorashada Dadban ee ay ku baaqeen Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadu (Shirkii Kowaad ee Dhuusamareeb),

Su’aashu waxay tahay, Doorashada Dadka kooban kaararka loo samaynayo ee Xaliima Yaray ay ku yaboohdey, ma Dastuuri baa , Jawaabtu waa maya, Dastuurka waxaa ku cad oo qura Doorashadu inay ahaato mid Dadku ay Codeeyaan, waana inay ka dhacdaa Guud ahaan Dalka oo dhan, kuma cada Dastuurka in goobo gaara ay Doorasho galaan Goobaha qaarna aysan Doorasho ka dhicin, Sidaas awgeed Doorashada ay Gudiga Doorashadu soo bandhigeen Waa Doorasho Dadban.

Gabagabo

Al-Shabaabayaa Xiliyadii ay cusbaayeen waxay Dhalinyarada ugu sheekayn jireen ‘in Awoowayaasheen uu guurkooda xaaraan ahaa, maadaama ay isticmaali jireen waxa loo yaqaan Masaafo, Hada Xukuumada Nabad iyo Nolol waxay saacadii u dambaysay Xili wakhtiyeedkoodiu ay yiraahdeen qaabkii nala kusoo doortay Xaaraan buu ahaa oo Dastuurka ma waafaqsanayn.

Cabdifataax Xuseen Warsame

Bosaso-Soomaaliya

CAW@puntlandi.com [ automatically forwarding in to Readers email address ]

<