Breaking News—Gudoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in Dowlad Goboleedyadu aysan ka hadli Karin Doorashada, Doorashaduna ay noqonayso One man One vote

Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal ayaa si kulul uga hadlay Shirka Dhuusamareeb. Iyo joogitaanka Gudoomiye Xigeenka kowaad.

Gudoomiye Mursal wuxuu yiri “ Aad Ayaan ula yaabay markii aan arkay Cawad oo Dhuusamareeb jooga, Ma uu matali Baarlamaanka.”

Gudoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in uusan aqbalayn Doorasho dadban iney Dalka ka dhacdo. Wuxuuna tilmaamey in Doorashadu ay u dhacayso sida Dastuurku cadeeyey,

Hadalka Gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya xili isaga laga reebay Dadka lagu casumay Shirka Dhuusamareeb , waxaana hadalka Gudoomiyaha lagu macneeyey ismuujin uu ismuujinayo.

Puntlandi.com Muqdisho

<