Muxuu u baaqday Shirweynihii Beesha Mudulood

Shalay oo isniin ahayd 13/7 waxaa lagu waday inuu furmo Shirka Wadatashiga Beelaha Mudulood laakiinse wuu baaqday , Baaqashadiisa Ayaan ka helnay Xog .

Sida ay Warbaahinta Puntlandi.com ay Xog ku heshay waxaa Shirka baajiyey kadib markii la ogaadey in Dowlada Federaalku ay soo faragalisay, Faragalinta ayaa timid ka dib markii ay kooxo taageera Xukuumada ay magacyadooda kasoo bixiyeen liiska kasoo qayb galayaasha Shirka iyadoo tiro kooban loogu tala galay inay Shirka kasoo qayb galaan.

Rag ay kamid yihiin Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Idlow , Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeele ayaa lagu eedeeyay inay marin habaabiyeen Qaabka Shirka looga soo qayb galayo iyagoo Liiska Martida Ka qayb galayaa Shirka ay kasoo buuxiyeen Dad ay iyagu soo qorteen oo ah kuwo u ololeeya Xukuumada.

Madaxweynayaashii hore Xasan Sheikh iyo Sheikh Shariif ayaa Arintaas ka war helay waxayna durba baajiyeen Shirka, waxaana Gudi loo saaray iney soo abaabulan Kasoo qayb galayaasha Shirka.

Wali lama iclaamin xiliga rasmiga ah ee Shirku uu dhici doono, waxaase lagu wadaa inuu furmo Todobaadka soo socda.

Puntlandi.com Muqdisho

<