Hadaad aragto Goodax Barre oo Wah-Wah leh ogow waxaa la gaaray wakhtigii Xariga laga soo deyn jiray,

Waxayaabaha aan ka baraney Xukuumada hada talada haysa waxaa weeye In ay Villa Soomaaliya ugu xiran yihiin Shaqsiyaad xargaha laga soo daayo markii Ay dareemaan in saxada Siyaasada Looga adkaan rabo ama ay dareemaan Culeys Siyaasadeed.

Cidna kama qarsoona Shaqsiyaadka aan ka hadlayno, waxaa iska caado noqotay markay hadlaan Siyaasiyiinta Mudulood waxay Villa Soomaaliya xargaha kasoo deysaa rag ay kamid yihiin Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeele Si ay u difaacaan Siyaasada Villa Soomaaliya ayna afka u qabtaan Siyaasiyiinta la Beesha ah ee Mucaaradka ah, Lagama yaabo iney u jawaabaan cid kale.

Soomaaliland waxaa loo heystaa oo isna marmar Xariga soo goosta Wasiir Maareeye, Laakiin waxaa muuqata in la waayey shaqsi kasoo jeeda Puntland oo loo adeegsado lagana hor geeyo Madaxweyne Deni , taas badalkeeda waxaa si macmila Xariga loogasoo daayaa oo la adeegsadaa Wasiir Goodax Bare.

U fiirso mar walba oo Goodax Bare uu hadlo waxaa jira Xiisad Siyaasadeed oo Puntland ku lug leedahay tasoo Qolyaha Villa Soomaaliya cabsi galisa, Hadaba si ay u leexiyaan Ama Bulshada loo marin habaabiyo loona furo sawaxan kale, waxaa Xariga lagasoo furaa Wasiir Goodax Bare, hadii VOA ay talerfoonka ka qaban waydo wuxuu soo fariistaa Baraha Bulshada, Awoodiisana ma dhaafsana Inuu xagxagto Caruurta Puntland, oo uu yiraahdo, Shahaado ma siinayno iyo Ma aqoonsanin Imtaaxka Puntland.

Waase nasiibdaro in Goodax Bare uusan xitaa dareensanayn ama damiirkiisu uusan siineyn inuu dib ugu noqdo hadaladiisii hore, maxaa ka hirgalay, Sanad ka hor buu hadaladaan oo kale lahaa, cid ka hoos qaadey ama Shahaado u soo doonatay ma ay Jirtaa?.

kamase daalo miyaa Shahaadaan u diidnay iyo ma ixtiraasanin Shahaadada Ardeyda Puntland.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa .. Ninkaad Kabaha ka tolanayso, kabihiisaa la fiirshaa, Waxaan ula jeedaa Goodax Bare Ardeyda uu leeyahay shahaadaan siyaa sow ma aha kuwa imtaxaanka kasoo iibsada Bakaaraha iyo Baraha Bulshada.

Kuwa uu leeyahay Shahaadaan u diidayaana bal ha waydiiyo Donald Trump cida Shahaadada siisa Ardeyda Puntland, Waxaan hubaa inuu jawaab saxa kusiin doono.

Madaxweyne Deni ayaa horay u yiri “Ardeyda Puntland Shahaadadoodu aqoonsi ugama baahna Goodax bare iyo Cid kale, Waxbarashadoodana Anaga balan qaadney”.

Cabdifataax Xuseen Warsame

Bosaso-Soomaaliya

CAW@puntlandi.com [ automatically forwarding in to Readers email address ]

<