Madaxweyne Deni oo tacsi u diray Shacabka, Geerida Maxaweynihii labaad ee Puntland, Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi

Madaxweynaha Dowlada Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaya Magiciisa iyo kan Shacabka Puntland wuxuu ka tacsiyeeyey Geeridii ku timid Madaxweynihii labaad ee Puntland isla markaasna ahaa Madaxweyne Xigeenkii u horeeyey ee Puntland yeelato Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxweynuhu wuxuu tacsi gaara u diray Caruurtii,Qoyskii , Ehelkii iyo Asxaabtii Marxuumku ka geeriyoodey., Wuxuu Madaxweyne Deni uu Shacabka Puntland uga tacsiyeeyey Geerida ku timid Alla ha u naxariistii Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi

Maxamed Cadi Xaashi wuxuu Ka mid ahaa Aasaasayaashii Puntland , wuxuu noqdey Madaxweyne Xigeenkii u horeeyey ee Puntland yeelato oo uu ahaa mudo 3 Sano ah , wuxuu noqdey Madaxweybaha Puntland 2004 ilaa 2005. 1998 ilaa 2004 wuxuu ahaa Madaxweyne Xigeenkii Puntland.

Innaa lilaahi wa inaa ilayhu raajucuun

Ilaahay janadii haka waraabiyo Marxuumka

<