Calanka Puntland oo hoos loo dhigay 3 Maalmood kadib Geeridii Madaxweyne Maxamed Cabdi Xaashi

Dhamaan Xafiisyada Dowlada oo ay u horayso Madaxtooyadu waxaa hoos loo dhigay Calanka Puntland, Baroordiiqdaasoo soconeysa Sadex Maalmood, kadib Geerida Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Madaxweynihii labaad ee Puntland islamarkaasna ahaa Madaxweyne Xigeenkii u horeeyey Puntland Maxamed Cabdi Xaashi Geeridiisu waxay gaartay guud ahaan Puntland, waana loosoo wada ducaynayaa.Aaaamiin Aaaamiiin.

Madaxweyne Deni wuxuu ku tilmaamey Marxuumka Halyeey usoo taagnaa tan iyo maalintii dhidibada loo taagay Puntland, Wuxuu ahaa Shaqsi jecel Soomaalinimada iyo Midnimada Dalka, Wuxuuna Mudanyahay Duco iyo xasuus wanaagsan oo uu inooka tagay,

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<