Breaking— Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland oo geeriyoodey

Illaahay janadii haka waraabiyee waxaa Caawa Nairobi Oo sabti ah 11/7,2020 ku geeriyoodey Maxamed Cabdi Xaashi Madaxweynihii hore ee Puntland.

Waxaa tacsi loo dirayaa Dhamaan Ilmihii uu ka geeriyoodey Narxuumku iyo Guud ahaan Shacabka Puntland.

Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu kamid ahaa Aasaasayaashii Puntland wuxuu ahaa Madaxweyne Xigeenkii u horeeyey oo Puntland ayeelato 1998 ilaa 2004, Kolkii Alla ha u naxariistee Cabdullahi Yusuf uu u wareegay dhanka Federaalku wuxuu Xilka ku wareejiyey Kuxigeenkiisa Maxamed Cabdi Xaadhi oo Bishii Oktobar 2004 Waxaa loo dhaariyey inuu noqdo Madaxweynaha Puntland si uu u gaarsiiyo Doorashada oo bilo ka harsanaayeen, 8 Janaayo 2005 ayuu Xilka wareejiyey.

Maxamed Cabdi Yusuf wuxuu mudooyinkii dambe ku noolaa Kenya oo uu caawa ku geeriyoodey.

Illaahay naxariistii Jano haka waraabiyo Aaaamiiin

<