Shirkii Dhuusamareeb oo isu badalay Shirweyne Qaran

Qorshaha Shirka Dhuusamareeb ayaa ahaa mid ay Madaxda Dowlad Goboleedyada kaga tashan lahaayeen Qodobo aan Sadex ka badneyn laakiin Jamcadii ayaa Masuuliyiintu waxay wax ka badaleen Ajandaha Shirka oo ay u arkeen iney haystaan Fursad ka weyn Ujeedkii hore ee ay Dhuusamareeb isugu yimaadeen.

Bilowgii hore qorshuhu wuxuu ahaa in Shanta Madaxweyne ay Iyagu wadatashadaan laakiin hada waa la balaariyey Shirka, Hool Weyna waa la isugu imaanayaa.

Waxaa Shirka loo badalay Shirweyne Qaran oo ay ka qayb qaadanayaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Lataliyayaashoida Arimaha Siyaasada iyo Wasiiro, Waxaana looga hadli doonaa , Siyaasada Soomaaliya oo Doorashadu u horayso, Dhaqaalaha ay Deeq bixiyaashu baxayaan, Amaanka iyo Caafimaadka.

Shanta Madaxweybe waxay ilaa Shalay kawada Xaajoonayeen sidii loo xoojin lahaa sarena loogu qaadi lahaa Shirka si ay ugasoo baxaan Qodobo miisaan Xambaarsan, Waxayna istuseen in Shirkaan uu yahay fursad.

Waxaa iyana Muuqata in Shanta Madaxweyne ay dhamaantood ka siman yihiin hal arin oo ah iney diidan yihiin Siyaasada Dowlada Federaalka, Gaar ahaan Madaxweyne QoorQoor iyo Madaxweyne Lafta Gareen waxay muujiyeen in meesha laga saaro iney gacan saar la leeyihiin Villa Soomaaliya, waxayna cadeeyeen iney kasoo xarig furteen Muqdisho.

Khaliif Ciise Mudan, oo ah Lataliyaha Amniga ee Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Shirka iyo Ujeedkiisaba aysan waxba ka badalin Hadaladii kasoo yeeray Khamiistii Raysal wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Hoos ka Daawo Sawiro hordhac ah

Puntlandi.com Dhuusamareeb

<