TACSI : – Marxuumad Xaawo Khadar Cabdulle oo maanta ku geeriyootay magaalada Minneapolis.Waxaana beri Axad lagu aasi doonaa Qabuuraha Islaamka ee Burnsville

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJUCUUN.

GEERIDU WAA XAQ.

Allaah ha u naxariistee waxaa maanta oo Sabti ah taariikhduna tahay 11.07.2020 ku geeriyootay magaalada Minneapolis cariga Mareykanka Eedo Xaawo Khadar Cabdulle.

Geeridaa naxdinta leh ee maanta ku timid Marxuumada Xaawo Khadar Cabdulle awgeed ayaa :

Xuseen Sheekh Maxamed-Bashiir

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Bashiir.

Farax Islaan Cabdulle Islaan Farax iyo dhamaan qoyska Reer Islaan Cabdille

Dhamaan Qoyska Reer Aw Cabdikariin iyo Reer Sheekh Maxamed-Bashiir waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Adeer Sheekh Maxamed Xaaji Cabdishakuur ( Sheekh Maxamed Cade), Dhamaan Qoyska Reer Sheekh Maxamed Cade iyo Qoyska Reer Khadar Cabdule, Awlaadii, Ehelkii iyo Asxaabtii ay ka baxday Eedo Xaawo Khadar Cabdulle, waxayna Allaah uga baryayaan inuu samir iyo iimaan ka siiyo marxuumada.

Sidaa si la mida waxay Marxuumada Alle uga baryayaan Naxariis iyo Dembi dhaaf.

Ogeysiis : Allaah ha u naxariistee waxaa marxuumada beri Axada Insha Allaah markay saacadu tahay 11-12 PM lagu aasi doona Qubuuraha Islaamka ee Burnsville

Puntlandi.Com

Garoowe.

<